Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

HomeWararka

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha dalka Ciraaq Dr. Barham Saalax ayaa qasriga Madaxtooyda ee magaalada Baqdaad kaga gadoomay warqadahiisa aqoonsiga danjiranimo Safiirka cu

RW Khayre:”Maxay ciidamadu u kala tegi waayeen xilli aysan muddo sanad ah mushaar qaadanayn.?”
Guddoomiye Aadan Madoobe oo laamaha amniga G/Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab
Madaxweyne xaaf oo la kulmay Hay’addaha Caalamiga ah ee dhuusomareeb ka howl gala (Sawiro)

Madaxweynaha dalka Ciraaq Dr. Barham Saalax ayaa qasriga Madaxtooyda ee magaalada Baqdaad kaga gadoomay warqadahiisa aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonna Magaalada Baqdaad Mudane Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur)

Ugu horeyn danjire Liibaan aya uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Ciraaq sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna u gudibyay salaan iyo bogaadin uu kaga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo isagana u rajeeyay caafimaad iyo hormar guud ahaan shacabka ciraaq iyo Hoggaamiyahooda Dr. Barham.

Danjiraha Soomaaliya Mudane Liibaan Sheekh Maxmuud ayaa dhankiisa cadeeyay sida dalkiisu u doonayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Baqdaad si loo gaaro danaha guud iyo manfacadda gobolka, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Ciraaq ee howlgalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Dalka ciraaq Barham Saalax ayaa Safiir Liibaan u rajeyay inuu ku guuleysto waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Baqdaad, isagoo muujiyay in Dowladda ciraaq diyaar u tahay inay bixiso wax kasta oo taageero ah si loogu guuleysto iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: