Dalladda PUNSAA oo cambaareysey fal wuxuushnimo ah oo lagula kacay qoys si nabad ah u hurdey hoygooda oo lagu handadey magaalada Boosaaso.

Dalladda PUNSAA oo cambaareysey  fal wuxuushnimo ah oo lagula kacay qoys si nabad ah u hurdey hoygooda oo lagu handadey magaalada Boosaaso.

Dallada Bulshada Rayidka ee Puntland (PUNSAA) waxay si kulul u cambaaraynaysaa falka foosha xun ee lagula kacay reer Maxamed Diiriye(Afwayne) magaalada Bosaso iyadoo lagu xadgudbay Karaamadooda, hoygooda lana argagax geliyey noloshooda.

Dalladu waxay ugu baaqaysaa laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan Eedaysanayaasha falkaas ku kacay lana horkeeno cadaalada si looga hortago inay soo noqnoqdaan dhacdooyinka caynkaan oo kale ah xaqooda iyo karaamadoodana u helaan reer Afweyne.

Waxaan sinnaba loogu dulqaadan karin iyadoo bulshadan ay mid tahay oo ay muslimna tahay leedahayna dhaqan iyo diin in Qoys aamin ah oo hoygiisa jooga loola dhaqmo wax ka baxsan dhaqanka iy curfiga ay leedahay bulshada Soomaaliyeed. ‘

Mahadsanidiin
Dallada PUNSAA

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com