Dagaalkii maanta ee Laascaanood waa bilowgii dagaalka Goojacadde

Dagaalkii maanta ee Laascaanood waa bilowgii dagaalka Goojacadde

Todobadii bilood ee la soo dhaafay waxaa aagagga Laascaanood ka socday dagaalo kulul oo dhiig badan ku daatay, magaaladana ka dhigay mid si joogto ah ay ugu habsadaan madaafiicda Somaliland. Haddaba dhegaystayaasha iyo daawadayaasha Daljir oo badanaa ku jaahwareera aagagga kala duwan ee dagaalada aan u faahfaahino hadafka SSC-Khaatumo ee dagaalkii maanta iyo kuwii ka horreeyeyba.

Dagaalkii maanta ee Laascaanood waxa uu ka biloowday laba jiho oo kala ah dhanka galbeed iyo kan bari, laakiin dagaalka xooggiisu waxa uu ka dhacay dhinaca bari. Muhiimada dagaalkii maanta ee dhanka bari ayaa ah in ciidamada SSC-Khaatumo ay qabsadaan halku lagu magacaabo Maraaga. Maraaga waxa ay 8 KM dhanka bari ka jirtaa bartamaha magaalada Laascaanood, waana waddada isku xirta Laascaanood iyo Garoowe.

Maraaga waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Somaliland. Hadafka ciidamada SSC-Khaatumo ee dagaalkii maanta ee Maraaga ama aagga bari ee Laascaanood ayaa ah in ay furaan jidka Laascaanood ku xira Garoowe.

Difaaca Somaliland ee aagga Maraaga waa mid xooggan, waana kan sababay ayada oo Somaliland intaas oo khasaare ciidan ahi uu gaaray in weli ay Maraaga gacantooda ku jirto. Saas oo xaal yahay, haddana dagaalo kulul oo hore loogu qaaday iyo kii ugu danbeeyey ee maanta ayaa suurtagaliyey in buuraha Maraaga ka xiga dhanka koofureed ay maanta la wareegaan ciidamada difaaca SSC-Khaatumo. Buuraha koonfureed ee maanta laga soo riixay Somaliland ayaa sahlay in ciidamada Somaliland la isugu keeno laamiga bari ee Laascaanood.

Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa caawa laba dhinac ka fadhiya ciidamada Somaliland ee aagga Maraaga. Dhanka bari waxay u jiraan wax ka yar kun tallaabo, halka dhanka koonfureed galabta gabbal-gaabkii Somaliland lagala wareegay buurta weyn ee ku taal dusha sare ee Maraaga.

Dhanka galbeed, dagaalkii maanta uma kululeyn sida kan bariga, hadafka ciidamada SSC ayaana ah sidii ay uga tallaabi lahaayeen Boholaha Xargaga ee dhanka waqooyi-galbeed oo Laascaanood u jira 8 KM. Boholaha Xargaga waxaa mara waddada isku xirta Burco iyo Laascaanood, waana halka ay sahaydu u soo marto ciidamada Somaliland.

Mar haddii ciidamada SSC-Khaatumo ay ka tallaabaan Boholaha Xargaga waxaa xirmaya jidka Laascaanood-Burco, waxaana adkaanaya sahayda ciidamada Somaliland ee aagga Laascaanood. Garoonka diyaaraha ee Laascaanood oo dhanka waqooyi magalaada ka xiga, waxa uu feerta ku haya waddada sahayda ee Somaliland.

Saldhigga ciidamada Somaliland ee Goojacadde waxaa laga difaaca labadaas aag, haddii mid kamid ah la jabiyana Goojacadde waa albaab furan.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com