Dagaalka laascaanood maalintii 3aad ka socda iyo wararkii u danbeeyey .

Dagaalka laascaanood maalintii 3aad ka socda iyo wararkii u danbeeyey .

Dagaal culus ayaa saaka mar kale ka qarxay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaas oo wararka aanu ka helayno ay shegayaan in hada xabadu ay ka dhacayso meel aan sidaa uga fogayn taliska goojacadde oo lagu magacaabo #maraaaga

Ciidamada dagaalamaya oo helaya gurmadyo kala duwan ayaa isu adeegsanaya hubka culus dad goobjoogayaal ah oo aanu la xiriirnay ayaa noo sheegay suurtagalnimada in dagaalku jihoooyin kale ku faafi karo.
Soomalialnd oo horay Madax dhaqameedka deegaanka ugu tilmaatay Argagixiso ayaa xalay soo saartay war kaa ka duwan oo ahaa in ay nabad rabaan iyo wadahal .

Dhinaca kale wararka Radio Daljir ka helay laascaanodna waxay sheegayaan in Isimada dhaqanka Soomaliland ay la soo xiriireen Garaad Jaamac Garada Isamaciil ayna isku afgaran waayeen wadahadal khadka taleefanka ah .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com