HomeUncategorized

Dagaal kooban oo Gaalkacyo ku Dhex-Maray Puntland iyo Gal-Mudug

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_ Wararka aan ka helayno magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal goos goos ah uu ka bilowday suuqa Darxumo ee magalada, ka dib markii ciidanka Puntland ay damceen in halkaasi fariisimo ka samaysteen.

DHEGEYSO-Xagee marayaa gurmadka dadka abaartu ku saamaysay Puntland.
Baahin: Isniin, 9 Sep 2013, Caawa Iyo Daljir Weriye Macamed C Cali (Kooshin) ~ Daljir ~ Garowe
Huteel ay deggan yihiin xildhibaanada baarlamaanka Somaliya oo la weeraray & dhaawacyo soo gaaray.

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_ Wararka aan ka helayno magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal goos goos ah uu ka bilowday suuqa Darxumo ee magalada, ka dib markii ciidanka Puntland ay damceen in halkaasi fariisimo ka samaysteen.

Tan iyo wixii ka danbeeyay Axadii magalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo gaarayey ciidan labada dhinac ka socda, kuwaasoo hubaysan, waxaana bar bar socdey barakaca qoysas boqolaal gaaraya.

Isku hor imaadka saaka suuqaasi ka bilwoday ayaa dhaawac gaystay walow aysan jirin ilaa iyo hada cid ka hadashay waxaase muuqda in weli la wado waan-waanta lagu dhamaynayo xiisada taagan.

Dagaalka Puntland iyo Gal-mudug ayaa ka bilowday waddo mamulka Gaalkacyo ka dhisayey xaafada Garsoon taasoo dad badani u dhaawacmeen kuwo kalena ay ku dhinteen.

Xiisadan ayaa saameysey inta badan goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal uu mar kale magalada bilowdo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in la kala qaado ciidanka isku hor-fadhiya Gaalkacyo oo hashiis laga gaaro colaada taagan.

Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay mar walba Puntland inay diyaar u tahay nabada iyo ka shaqaynta daris-nimadda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: