DAGAAL CULUS AYAA KA BILAWDAY SAAKA JIIDAHA HORE LAASCAANOOD.

DAGAAL CULUS AYAA KA BILAWDAY SAAKA JIIDAHA HORE LAASCAANOOD.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo dad deegaanka ayaa saaka mar kale ka qarxay jiidaha hore ee ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey weerarka saaka in ay soo qaadeen maamulka Somaliland, kaasoo duullaan ku ah magaalada Laascaanood iyo qabsashadeeda.

Dagaalkaan ayaa socda muddo bil ku dhaw, waxaana uu ka soo fufay caddaadis cabburin, dilal qorshaysan iyo adeegsi xoog ciidan oo maamulka Somaliland uu kula kacayey dadka gobolkaasi, taasoo keentay kacdoon dadweyne iyo diidmo Somaliland.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com