Dagaal Beeleed Maalintii labaad ka socda degaano hoostaga degmada Walanweyn

Dagaal Beeleed Maalintii labaad ka socda degaano hoostaga degmada Walanweyn

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah uu dagaal beeleed khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay ka socdaa degaano hoostaga degmada Walanweyn oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada maleeshiyo Beeleed ayaa isku heysta dhul beereed halkaai kuyaalla, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyooday 8 ruux, tiro intaasi ka badana ay ku dhinteen.

Mid kamid ah waxgaradka degmada Walanweyn ayaa ugu baaay dhinacyada dagaalamaya inay colaada si deg deg ah u joojiyaan, isla markaana wax walba oo khilaaf ah ay miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.

Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa degaannada lagu dagaalamay ayaa isaga barakacay, iyaga oo ka baqdin qaba inay waxyeelo kasoo gaarto, kuwaas oo hadda duruufo kala duwan ay ku heystaan degaannadii ay u barakaceen.

Dhowr jeer ayaa degaano hoostaga degmada Walanweyn oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay colaad Beeleedyo soo laab laabtay, iyada oo Maamulka Koonfur Galbeed ay ku guuldareysteen xal ka gaarista colaadaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com