Dad Soomaali ah oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Kenya

Dad Soomaali ah oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Kenya

Cudurka Shuban biyoodka ayaa waxaa uu ka dilaacay degaano hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyada oo dhowr qof Soomaali ah ay cudurka u geeriyoodeen tiro kalena ay xilligaan Isbitaalada la jiifaan xanuunka.

Degaannada hoostaga Magaalada Wajeer ee uu cudurka ka dilaacay ayaa waxaa ku sugan dad Soomaali qaxooti ah, kuwaas oo ka tegay degaano kale oo ay ka dhacday abaar saameyn ku yeelatay noloshooda.

Axmed Dhicis Xaaji aoo ah Xildhibaanka laga soo doorto degmada Habasweyne ayaa sheegay in ilaa iyo Saddex Ruux ay u geeriyoodeen cudurka Shuban-biyoodka 10kaena ay Isbitaalada la jiifaan.

Wuxuu hadalkiisa uu intasi kudaray Xildhibaanka in dadka kunool degaannada hoostaga Magaalada Wajeer u baahan yihiin gurmad caafimaad oo deg deg ah, maadaama ay yihiin dad badi degaano kale ka yimid.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin katirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya kajiray dhibaatooyin kala duwan oo ka dhashay colaad beeleedyo iyo abaar daran, iyada oo badi dhibaatadaas ay saameeysay dadka Soomaalida ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com