Dad loo heysto dil oo Maxkamadda Ciidamada la horkeenay

HomeWararka

Dad loo heysto dil oo Maxkamadda Ciidamada la horkeenay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27aad ayaa Maanta waxaa ay u fariisatay dhageysiga dacwada kiis afduub,dil iyo gubit

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabiley Wafti Ka Socdey Hay’ada UNFPA (Sawiro)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Buuhoodle (dhegayso)
Macalimiin Ardayda Jaamacadda Cusub ee Jariiban si bilaash wax ku bari doona (dhegayso)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27aad ayaa Maanta waxaa ay u fariisatay dhageysiga dacwada kiis afduub,dil iyo gubitaan loo geystay Ceyduruus Calaawi Magaalada Beledweyne,

Ilaa Saddex Ruux ayaa loo heystaa falkaasi oo dhacay labadii Bishaan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan xilli habeen ah.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad oo dacwadda kusoo oogtay dadka kiiskaas loo qabtay ayaa soo bandhigtay eedeynta raggaas iyo markhaatiyaal, iyaga oo dalbaday in dadkaasi Cadaalad la marsiiyo.

Qareenada u doodayay Saddexda Eedeysane ayaa dhankooda soo bandhigay doodooda ku Aadan difaacitaanka dadka lagu eedeysay dilka, waxaana Maxkamadda goobjoog ka ahaa Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad iyo Ehellada eedeysanayasha

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: