Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabiley Wafti Ka Socdey Hay’ada UNFPA (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabiley Wafti Ka Socdey Hay’ada UNFPA (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikdu tahay 9 May 2018 waxaa uu qasriga Madaxtooyada Dowladda Pu

Madaxweynaha Galmudug oo Dhuusaamreeb dib ugu laabtay
Warka Fiidnimo Cabdiraxmaan Xudeyfi, Daljir Bossaso (dhegayso)
RW Xamse oo shir muhiim ah ka furay Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikdu tahay 9 May 2018 waxaa uu qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley madax kasocotey Hay’ada UNFPA.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulanka uu maanta la yeesha madaxda ka socotay Hay’adda UNFPA ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Puntland mudane. Shire Xaaji Faarax iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Weftigan ka socday Hay’adda UNFPA ayaa waxaa hogaaminayey Agaasimaha Gobolka Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uu weheliyo uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya Mr. Nikolai Botev iyo ku xigeenkiisa Walter Mandson-filho.

Madaxa weftiga Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uga mahad celiyey Madaxweynahad Dawladda Punland fursada uu maanta u siiyey inay kula kulmaan xafiiskiisa ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey kulankii uu madaxqweynhu la yeeshay maanta waxaa uu kaga warbixyey waxqabadka hay’adda ee guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan waxyaabaha ay ka qabteen Puntland, isagoona sheegay in horumar weyn ay ka gaadheen ka hortaga tacadiyada haweenka, isla’marhaantaana meel wanaagsan uu marayo barnaamijka wacyigelinta ka hortaga gudniinka fircooniga ah iyo faldenbiyeedka kufsiga haweenka.

Dhinaca kale Mr. Luay Shabeneh ayaa ku amaanay Dawladda Puntland ka hortaga iyo ladagaalanka tacadiga loo gaysto haweenka, isagoona sheegay in marka loo eego Soomaaliya in Puntland ay tahay meel xasiloon oo ay yar yihiin denbiyaha ka dhaca ee lagula kaco haweenka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waftiga kusoo dhaweeyey qasriga madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa waxaa uu uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen sidoo kalena ku bogaadiyey Haya’dda UNFPA shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan hawlaha baaxada leh ay ka fuliyeen Puntland.

Madaxweynaha ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in hada uu yaryahy tacadiga haweenka lugula kaco, taasna ay muujinayso sida Hay’addaha Dawladda Puntland uga hawl galeen amuurtaasi, sidoo kalena sheegay inay lama huraan tahay in laga gudbo caadooyinkii hore ee waxyeelada u gaysan kara caafimaadka hooyada iyo dhalaankaba.

Ugu danbayn madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay bulshooyinka caalamaka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeedba in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo waxyeelo ugaysanaya haweenka.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    UNITED NATION=UN. WAA MAQAAYAD MARAYKAN U SHIDAN.

DISQUS: