Dad ku go’doonsan  wali Xaafadaha magaalada Baladweyne

HomeWararka

Dad ku go’doonsan wali Xaafadaha magaalada Baladweyne

Xaafado katirsan magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan ayaa wali waxaa ku go’doonsan qaar kamid ah dadkii uu saameeyey fahaada Wabiga Shabee

Ciidamada ammaanka oo qabtay nin weerar gaystay oo rasaas kasoo riday guri shacab
Mudanayaasha Aqalka Sare oo maanta yeeshay dood kulul
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Xaafado katirsan magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan ayaa wali waxaa ku go’doonsan qaar kamid ah dadkii uu saameeyey fahaada Wabiga Shabeelle,kuwaas oo aan fursad u helin inay ka baxaan ama laga soo saaro.

Xaafadaha ay dadka ku go’doonsan yihiin ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa kamid ah xaafada Kooshin gaar ahaan Laanta Raadeerka,waxana ku sugan Qoysas tira yar,kuwaas oo badbaadin u baahan.

Faarax Jire oo kamid ah dadka go’doonsan xaafadaasi ayaa sheegay in xaafada uu ku sugan yahay aysan heysan Hoy ay uga gabadaan qabowga jira ayna dalbanayaan gargaar deg- deg ah.

Waxaa uu sheegay in uusan heysan raashinkii uu cuni lahaa,hayeeshee uu maalin walba isticmaalo Caano uu kasoo liso hal Sac oo u joogo,balse aysan jirin cid kale oo u soo gurmato.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: