HomeUncategorized

Dacaayad kadhan ah musharixiinta madaxweynaha qaarkood oo madaxtooyada laga abaabulayo.

Muqdisho, Jan 28 2017-Warbaahinta Soomaalida qaar ayaa ogaatey in kulan ay Villa Somalia kuyeesheen hormuudka ololaha madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ay kaga hadleen abaabulka been abuur kadhan ah qaar kamid ah musharixiinta halista ku ah musharax Xasan Sh iyo dibuhabaynta xiriirkooda warbaahinta.

DHAGEYSO: Galmudug oo ka hadashay Dagaaladii u dambeeyey
DHAGAYSO: Agaasimaha Guud Idaacadda Daljir oo si Adag uga hadlay Xadhiga Shaqaale ka tirsanaa Idaacadda
Baahin: Khamiis, Sept 08, Weriye Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Puntland oo soo bandhigtay labaataneeyo nin oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay hawlgalladii Galkacyo; Nin hore uga tirsanaa Al-shabaab, shegayna in uu ka baxay, oo isu dhiibay bilayska Puntland; Warbixin ku saabsan waanwaanta nabadeed ee ay Issimada Puntland ka wadaan Galkacyo.

Muqdisho, Jan 28 2017-Warbaahinta Soomaalida qaar ayaa ogaatey in kulan ay Villa Somalia kuyeesheen hormuudka ololaha madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ay kaga hadleen abaabulka been abuur kadhan ah qaar kamid ah musharixiinta halista ku ah musharax Xasan Sh iyo dibuhabaynta xiriirkooda warbaahinta.

Dacaayadahan oo maalmaha nagu soo fool leh lasoo gelin doono website-yada Soomaalida iyo Baraha Bulshada sida Facebook iyo Youtube ayaa la sheegayaa in ay ku tashadeen in musharrixiin aan la magacyadooda la xusin lagu eedeeyo in ay xiriir la leeyihiin dowladaha Iiraan iyo Turkiya.

Musharrixiintaas ayaa la doonayaa in lagu shaabadeeyo in ay haystaan lacago fara badan si xildhibaannada ay sawir khaldan uga qaataan, dadka Soomaaliyeedna looga dhaadhiciyo arrintan.

Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dooneysa in sidoo kale dib u habeyn lagu sameeyo kooxda u qaabilsan warbaahinta maadaama dhawrkii cisho ee u dambeeyay aad looga horreeyo dhanka warbaahinta. Ragga haatan u shaqeeya ma aha kuwa xiriir la leh warbaahinta madaxa bannaan, waxaana telefishinka qaranka lagu khasbayaa malamaha soo socdo in uu si siman u siiyo waqtiga dhammaan musharrixiinta.

Madaxweynaha haatan waqtigiisu dhamaaday ayaa taniyo intii doorashada Barlamaanka bilaabatay geliyay waqti iyo maal fara badan sidii dib loogu soo dooran lahaa. Waxaan sugnaaba waa 8da bisha Febraayo iyo bal natiijada kasoo baxda dagaalka cidiyo ku dagaallanka ah ee uu Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu jiro in dib loogu doorto.

XIGASHO-Puntlandnews.net

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: