Daacish iyo shabaab oo dagaal ku dhexmarayo gobalka bari

HomeWararka

Daacish iyo shabaab oo dagaal ku dhexmarayo gobalka bari

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xooggan oo Shabaab iyo Daacish maanta ku dhex maray duleedka bari ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bar

Waa la quraacdey, waa la qadeeyey, waana la is marxabeeyey!
Cabdikariin Qalbi Dhagax oo lagu soo dhoweeyey magaalada Hargaysa
Warka Caweysin iyo Fadumo degan Daljir Bossaso (dhegayso)

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xooggan oo Shabaab iyo Daacish maanta ku dhex maray duleedka bari ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay Tuulada Afgaraar oo hoostagta deegaanka Dhaadaar ee Gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu labo jeer ka kala dhacay deegaankaas, dagaalka hore ayaa dhacay saaka aroortii, halka dagaalka labaadna uu dhacay salaadii jimcaha kaddib, kaasoo soo gaaray illaa maqribkii.

Lama oga illaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana la sheegayaa in labada dhinac uu soo kala gaaray dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiradooda la ogeyn.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: