Cumar Cabdirashiid: “Marxalada uu dalku marayo waa tii ugu xumeyd ee soo marta Soomaaliya”

HomeWararka

Cumar Cabdirashiid: “Marxalada uu dalku marayo waa tii ugu xumeyd ee soo marta Soomaaliya”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan d

Madaxwaynaha Hir-shabeelle oo sheegay Golaha Iskaashiga inaan loo dhamayn shirkiisa Garoowe
Beesha Gumasoor oo Taageertay Kordhinta Barlamaanka Puntland (dhegayso)
Guddoomiye Kuxigeenka Burtinle: “Bixiya Canshuurta aan Horumar Gaarnee” (dhegayso)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada, isagoo ku eedeeyay dowladda waqtigeeda dhamaaday inay dalka gelisay marxalad tii ugu xumeyd abid ah ee soo marta tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii Carte ee Jabuuti oo Soomaalida lagu heshiiysiiyay.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday ay dalka ku riday ceeldheer, waxaana uu ku eedeeyay Farmaajo in uu dalka geliyay marxalad siyaasadeed oo aan dalka lagu arag oo ahaa hala kala adkaado, waxa dhiman ay tahay in qofka qofka kale uu gaaleysiiyo.

“Markii aan xukunka wareejinay waxaana ka tagnay dal dadkiisu wada shaqeynayaan oo isku yimid, waxaan ku wareejinay dowladdii naga dambeysay dal amnigiisu hadda meesha uu joogo ka fiican, waxaa la rabay in maanta dadku intii isaga sii dhaw yihiin, laakiin waxaa ay la yimaadeen dhaqan ah hala kala adkaado”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo u waramay VOAda laanteeda Afka Soomaaliga.

Diiwaanka Wararka Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: