Madaxwaynaha Hir-shabeelle oo sheegay Golaha Iskaashiga inaan loo dhamayn shirkiisa Garoowe

Madaxwaynaha Hir-shabeelle oo sheegay Golaha Iskaashiga inaan loo dhamayn shirkiisa Garoowe

Madaxwaynaha maamulka Hir-shabeelle oo ka mid ah shantii dowlad goboleed ee ku midoobay Golaha Iskaashiag Dowlad Goboleedyada ee diidan siyaasadaha dowladda dhexe ayaa waxaa sheegay shir maamulkiisa aanu ka qaybgalin oo goluhu yeesho inay ka dhigantahay mid aan loo dhamayn.

Golaha Iskaashiga oo hadda ku shirsan Nairobi ayaa qorshaynaya shirkooda xiga inay ku yeeshaan magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland, xilli madaxwaynaha Puntland ee xilka haya muddo xileedkiisu yahay mid gabagabo ah oo ay u hareen wax ka yar sadex bilood iyo bar.

“Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada wuxuu ka kooban yahay shan maamul, haddii talo afar gooni u gaarto Golaha Iskaashiga ma ahan, annaga sharciyada iyo jadwalka noo yaalo iyo wax aan ku balanay waa in aan dhammaanteen wax isku raacno”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waare ayaa sidoo kalle sheegay

“Xaq ayaad u leedihiin in maamuladiina aad go’aan u gaartiin, laakiin talo kuma biirin kartaan anagoo ka maqan Hirshabeelle wax danaheeda ah, wixii wanaag ee la rabo waa soo bixi doonaan, shirka Nairobi wax matalaad kuma lihin, mana ka warqabin”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com