HomeUncategorized

Cudurka Daacuunka oo 7-Caruur ah ku Dilay Dhadhaab

Somalia, December 17, 2015-(Daljir)_7 qof ayaa la xaqiijiyey inay cuddurka Daacuunka ugu geeriyoodeen Xeradda Dhagaxley, iyadoo 541-kalena la xanuunsan yihiin Cuddurkaasi Saf-mareenka ah.

Sheekh caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo iyo duqa magaalada oo dawladda ugu baaqay in ay soo faragaliso xaaladda.
Somaliland oo ka hadashay siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku wajahan Soomaaliya, iyo joojintiisa la taacaamulidda maamullada maxalliga ah.
Mahad Cawad ?saddex maalmood kadib ayaa baarlamanku ka doodi doonaa qorshaha Bankiga?

Somalia, December 17, 2015-(Daljir)_7 qof ayaa la xaqiijiyey inay cuddurka Daacuunka ugu geeriyoodeen Xeradda Dhagaxley, iyadoo 541-kalena la xanuunsan yihiin Cuddurkaasi Saf-mareenka ah.

Madaxa Ergadda Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF u jooga dalka Kenya, Charles Gaudry ayaa sheegay in ku-dhawaad 30% dadka uu soo ritay cuddurkaasi yihiin carruur ay da’dooda ka hooseyso 12-jir.

Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Xerooyinka Xagar-dheere iyo Dhadhaab iyo Nadaafad-xumida jirta ayaana loo aanaynayaa inuu cuddurka Koleeraha ka dillaaco.

Charles Gaudry  waxa kaloo uu sheegay inaysan jirin Maalgelin Waqtiga dheer ee Adeegyadda Caafimaadka iyo Faya-dhowrka ee Xerooyinka Qaxootiga.

Isbitaalladda ayaa la sheegay inay buux dhaafiyeen carruur uu ku dhacay Daacuun Caloolaha iyo kuwo ay hayso Nafaqo la’aan.

Bishii November ee la soo dhaafay 23-dii ayaa waxaa si rasmi ahaan loo  caddeeyey inuu cuddurka Koleeraha ka dilaacay Xeradda Dhadhaab oo ay ku nool yihiin in ka badan 500,000 oo Qaxooti u badan Soomaali.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: