Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Warbixinta NISA waa mid lagu marin habaabinayo qaraxii Muqdisho iyo fashilka NISA”

HomeWararka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Warbixinta NISA waa mid lagu marin habaabinayo qaraxii Muqdisho iyo fashilka NISA”

War qoraal ah oo uu soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur barta uu Facebook uu ku leeyahay ayaa waxa uu ku sheegay in warbixintii NISA ay hayad mid mar

Gaadiidleyda Bajaajta Garoowe oo shaqo Joojin sameeyay (dhegayso )
Saaka & Dunida iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Xuseen Madar , Daljir Garoowe (dhegayso)

War qoraal ah oo uu soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur barta uu Facebook uu ku leeyahay ayaa waxa uu ku sheegay in warbixintii NISA ay hayad mid marinhabaabin ah.

“Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marinhabaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada Alshabaab eedda xasuuqa laga leexiyo. Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Alshabaab way dhaafsiisan tahay.”

Siyaasigan ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay NISA in ay Al-Shabaab wada shaqeyn ka dhaxeyso.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladdu ku tirisaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee xiriirka dhow la leh dowladda Imaaraadka Carabta, waxaa uu dhowr jeer oo hore eedeeyay dowladda Qatar in ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hore si weyn uga falceliyey warbixintii New York Times qortay ahaydna in Qatar ka dambeysay qarax ka dhacay Boosaaso oo dad ku dhinteen iyo waliba dilkii Maareeyihii Dekedda Bossaso ee shirkadda PO Ports oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, maamushana Dekedda Bossaso.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: