Colaadii Soomaalida iyo Canfarta oo heshiis horudhac ah  laga gaaray

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Colaadii Soomaalida iyo Canfarta oo heshiis horudhac ah laga gaaray

Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray dagaalkii u dhaxeeyay dowlad degaanka Soomaalida iyo maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya. Shir saddex-geesood

Faysal Rooble oo Tagey Tuli Guuleed iyo Daarimi
Bulshada Jigjiga ayaa ka hadley dhibaatada gudniinka gabdhaha lagu sameeyo xiliga ay yar yihiin
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo lagu eedeeyey cagajuglayn & cabsigalin xubnaha ururka ONLF (daawo)

Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray dagaalkii u dhaxeeyay dowlad degaanka Soomaalida iyo maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Shir saddex-geesood ah oo dhexmaray Dawlada Federalka Itoobiya, labada maamul ee Deegaamada Soomaalida iyo Canfarta oo ka dhacay Wasaarada Nabada ee dalka. Waxaa shirka furtay, hagtayna Wasiirka Nabada Marwo Mufariat Kamil. Waxaase gunaanaday Raisalwasaaraha Dalka Dr. Abiy Ahmed.

Dood dheer kadib waxaa la isla meel dhigay qodobada hoos ku qoran:

In la joojiyo colaada, ciidamada labada dhinacna ay ka duurkaan jidka laamiga ah ee isku-xidha Awash iyo Jabuuti ugu yaraan 10km (dhanka bari Soomaalida, dhanka galbeedna Canfarta).
In qadiyada sadexda magaalo ee Grabaciise, Candhuuf Macaan (Candhuftu) iyo Cadeey (Cadeeytu) lagu xalin doono nidaam sharci ah inta ka horaysana ay ciidamada qaranku sugayaan amniga shacabka magaalooyinkaas; islamarkaana la baadho weerarkii iyo waxyeeladii shalay ka dhacday Cadeey (Cadaytu) iyo guud ahaan isku dhacyadii u dambeeyay;
In aan deegaamayn cusub la samayn karin aaga colaadu ka jirto oo ah aaga ka caagan ciidanka;
In hay’adaha amniga ee qaranka ay bari laga bilaabo tagaan goobta isla markaana ay xaqiijiyaan fulinta qodobadaas lagu heshiiyay.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: