Ciidanka Jubbaland oo howlgal ka sameeyay duleedka Kismaayo

Ciidanka Jubbaland oo howlgal ka sameeyay duleedka Kismaayo

Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo xoogan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaanka Baarka ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa uu daba socday kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee degaanka Baarka, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku baadi goobayeen raggii weerarka hoobiyeyaasha ahaa kusoo qaaday, hayeeshee ma shaacin khasaaraha kasoo gaaray weerarka iyo hadii ay jiraan dad ay kusoo qabteen howlgalka.

Ciidamada Jubbaland ayaa mararka qaar howlgallo ka fuliya degaannada kuyaalla duleedka Magaalada Kismaayo, in kastoo Saldhigyada Ciidamada ay weeraraan Xubno katirsan Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com