HomeUncategorized

Ciidanka dawladda Federalka oo qabsaday magaalada Garbahaarey, Gedo.

Garbahaarrey, April, 28 - Ciidamada dawladda federalka ah ee Somaliya oo taageero ka helaya ururka Ahlu-sunna ayaa maanta la wareegay degmada Garbaha

Jubbaland oo xal ka Gaartay khilaaf kala Dhaxeeyay Siyaasiyiinta G.Gedo
DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Maxamuud
Prof. Jawaari oo urrurada rayidka iyo Isimada Baay kala shiray wada-shaqaynta dowladda (Dhegeysi)

Garbahaarrey, April, 28 – Ciidamada dawladda federalka ah ee Somaliya oo taageero ka helaya ururka Ahlu-sunna ayaa maanta la wareegay degmada Garbahaarrey oo ah xurunta gobolkaasi Gedo, wararka ayaa sheegaya in arrintani timid dagaal muddo kooban socday oo dawladda Shabaabka ku dhexmaray halkaasi.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi balse goob jooga-yaal ayaa Daljir u sheegay in daaglku gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, balse ma cadda tirada dhabta ah.

Shalay dagaal xooggan ayaa dawladda Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray tuulada la yiraahdo Barwaaqo oo 20KM u jirta Garbahaarrey, waxaana maamulka gobolkaasi uu sheegay inay dileen in ka badan 20 qof oo ka tirsan Al-shabaab, balse ma jiro war arrintaasi la xiriira oo ka soo baxay Shabaabka.

Wixii wararkaasi ku soo kordha kala soco Daljir.com

Diiwaanka wararka
Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: