HomeUncategorized

Ciidanka amniga PL oo hawl-gallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo, Dec, 20- Taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Mudug Axmed Cismaan Cali ayaa waraysi uu siiyay radio daljir, waxaa uu ku faah-faahiyay hawlgalada ciidanku ay wadaan iyo banbo gacmeed xalay lagu tuuray saldhig ciidanka amniga ay ku leeyihiin xaafadda Garsoor.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Geesey oo iska fageeyey eedaymo ku saabsanaa in uu ku lug lahaa dilkii wasiirkii warfaafinta Puntland.[Akhris …]
Culimada shirku uga socda Muqdisho oo ku baaqay in la fidiyo banaan-baxyo ka dhan ah shabaab
Shariif oo balan-qaaday inuu la shaqaynayo dawladda cusub, ciidankana ku amray inay ka amar-qaataan madaxwaynaha cusub

Gaalkacyo, Dec, 20- Taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Mudug Axmed Cismaan Cali ayaa waraysi uu siiyay radio daljir, waxaa uu ku faah-faahiyay hawlgalada ciidanku ay wadaan iyo banbo gacmeed xalay lagu tuuray saldhig ciidanka amniga ay ku leeyihiin xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo.


Sargaalkan u hadlay booliska ayaa sharaxaad ka bixiyay fal xalay lagu dhaawacay dad rayida oo la sheegay inay ka danbeeyeen koox burcad badeeda.


Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in Muqdisho laga soo wado danbiilayaal reer Puntland ah kuwaasoo toddobaadyo ka hor falal amaan darro ka gaystay gobolka ka dibna u cararay Muqdisho oo lagu guulaystay soo qabashadooda.


Hawl-galadan oo ay wada fulinayaan ciidanka amniga gobolka ayaa sargaalku wuxuu? docda kale xusay in? lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa inkastoo uusan taliyuhu si faah-faahsan u carabaabin xadigooda iyo halka laga soo qabtay.


Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa ka soo raynayay dhawrkii bilood ee la soo dhaafay inkastoo mar walba ay jirto cabsi ku aadan inay dhacaan dilal qorshaysan iyo qraxyo.

Diiwaanka Wararka Daljir

Gaalkacyo

(S)
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: