Maamulka gobolka Hiiraan oo hub ka soo dhex qabtay magaalada

Baladweyne, 20, Dec- Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sheegay inay soo qab qabteen hub kala duwan oo lagu dhex haystay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.


Taliyaha ciidamada booliiska gobalka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alle oo la hadlay Warbaahinta koonfurta Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in howlgalo ay sameeyeen kadib ay u suura gashay inay gacanta kusoo dhigaan hub kala duwan.


Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in hubka ay soo qabteen loo adeegsan jiray falalka ammaan darro ee gobolka.


Taliyaha ayaa sidoo kale baaq u diray dhalinyarada Shabaab ku jira ee dagaalka wada, uguna baaqay inay joojiyaan dagaalka ayna ka soo mid noqdaan qoysaskooda.


Ciidamada dawladda Soomaaliya ee magaalada Beladweyne oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa inta badan fuliya hawl gallo ammaan sugida.


Diiwaanka Wararka daljir


Baladweyne


(S)

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com