Ciidanka Amniga Jubbaland oo soo bandhigay Qaraxyo ay qabteen

HomeWararka

Ciidanka Amniga Jubbaland oo soo bandhigay Qaraxyo ay qabteen

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay inay ka hortagtay qaraxyo ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab isugu gud

Warka Fiidnimo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Taageerayaashayda Puntland waa la xanibay” (Daawo)
Wafdi Wasiiro ah oo gaaray Gaalkacyo & daadadka oo xal loo raadinayo

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay inay ka hortagtay qaraxyo ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab isugu gudbiyaan degaannada Wabiga aaga Yoontooy iyo Buula-Gaduud.

War kasoo baxay NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ay hayeen xog ku saabsan in Al-Shabaab ay doonayaan inay miinooyin isku gudbiyaan,isla markaana Ciidamada Amniga ay weerar ku qaadeen,isla markaana Ciidamada ay gacanta ku dhigeen miinooyinka.

Dagaal kooban ayaa la sheegay in uu dhex-maray Ciidamada Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab,walow Hay’adaha Amniga Jubbaland aysan sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Ciidamada Jubbaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay ku doonayaan inay kula wareegaan degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: