Ciidanka AMISOM oo shacab beeralay ah ku dilay Shabeelaha dhexe

Ciidanka AMISOM oo shacab beeralay ah ku dilay Shabeelaha dhexe

Wararka ka imanaya deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay ku dileen labo ruux oo beeralay ah kuna dhaawaceen labo kale.

Ciidamo AMISOM ah ayaa howlgal miino baaris ah waxa ay ka wadeen wadada laamiga ah ee deegaanka Buurane dhex marta.

“Hal miino ayay qarxiyeen balse miino kale ayaa ku qaraxday mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM,waxayna ciidamadu gudaha u galeen guryo ay degenaayeen dad beeralay ah waxayna dileen labo ruux oo beeralay ah sidoo kalana waxa ay dhaawaceen labo kale,”ayuu yiri mid kamid ah dadka degen deegaanka Buurane.

Lama oga qasaaraha ka soo gaaray ciidamada AMISOM qaraxa lala eegtay.
Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay diideen in dadka dhaawaca ah loo qaado isbitaal si loo daweeyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com