Ciidanka Amaanka Muqdisho oo howlgal ku qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Ciidanka Amaanka Muqdisho oo howlgal ku qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Ciidamada Booliska ee sida Millateriga u tababaran ayaa howlgallo xoogan waxaa ay xalay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyada oo lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayay.

Saraakiisha Ciidamada Boolisa Millatari ayaa sheegay in howlgalkan ay uga jawaabayeen cabasho uga timid Jameecada Masjid Guri ku dhegan lagu farsameeynayay Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Taliye kuxigeenka Ururka 6aad Guutada 23aad ee Guungaar ee Ciidamada Booliska ee sida Millateriga u tababaran Dhame Maxamed Cabdi Xuseen Koronto ayaa sheegay in ay muddo badan ku raadjoogeen Gurigan lagu karinayay calaqa iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.

Wuxuu sheegay in Guriga ay ka heleen calaq lagu karinayay oo Haaman ka buuxaan , sidoo kalena dadka ay kusoo qabteen howlgalka uu kamid yahay Oday 70 sano jir ahaa oo ahaa Milkiilaha Guriga lagu farsameeynayay Maandooriyaha calaqa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com