Ciidanka Amaanka Jubbaland oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa

HomeWararka

Ciidanka Amaanka Jubbaland oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa

Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay bambooyin ay kooxda Al-Shabaab ku qarsadeen dhul bacaad ah oo ku y

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelbarde
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la yeeshay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka
Warka Duhurnimo iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay bambooyin ay kooxda Al-Shabaab ku qarsadeen dhul bacaad ah oo ku yaala xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Howlgal ay ciidanku fuliyeen ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay kus oo wargeliyeen ciidamada in walxaha qarxa oo ay argagixisadu maleegayeen inay shacabka ku dhibaateen ay ku arkeen goob ay argagixisadu ku qarsadeen Bambooyinkaan halista ah.

Saraakiisha ciidanka nabad-sugidda Jubbaland ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay ula shaqeeyaan ciidanka, waxayna ku booriyeen in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, maadaama dhagarta cadowgu ay tahay mid joogto ah.

Ciidamada kala duwan ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kordhiyey howlgallada ay ku fashilinayaan dhagarta cadowga, waxayna saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen dadka looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: