Ciidamo wata gaadiid dagaal oo xalay saqdii Dhaxe la wareegay xarunta degmada Howlwadaag.

Ciidamo wata gaadiid dagaal oo xalay saqdii Dhaxe la wareegay xarunta degmada Howlwadaag.

Ciidamo wata gaadiid dagaal oo xalay saqdii Dhaxe la wareegay xarunta degmada Howlwadaag.

Ciidamo u badan milatari oo wata gaadiid dagaal ayaa xalay abaaro saqdii dhaxe la wareegay xarunta degmada Howlwadaag, halkaas oo la filayay in maanta ka dhacdo xil-wareejin.

Sida aan wararka ku helay ciidankan ayaa gaadiidkooda dagaalka galay waddooyinka soo gala xarunta degmada, lamana oga ciidankan cidda ay ka amar qaataan ama hoggaamineysa.

Ciidamadan tagay xarunta degmada Howlwadaag ayaa wararka qaar sheegayaan in ay kasoo horjeedaan in xaruntaasi ka dhacdo xil-wareejin, kadib khilaaf ka dhashay xil-ka qaadis lagu sameeyay guddomiyihii hore ee degmadaasi oo hadda Xajka ku maqan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish saakay qorsheenayay in uu tago xarunta degmada Howlwadaag si uu xilka ugu wareejiyo guddoomiyaha cusub uu magacaabay.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta beesha Murusade ayaa ku guul dareestay in ay xal ka gaaraan khilaafka ka taagan xilka guddoomiyaha degmada Howlwadaag, waxaana marar badan fashilmay qabashada munaasabad xil-wareejin ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com