Ciidamo ka tirsan Pakistan oo Bom lagu dilay

Ciidamo ka tirsan Pakistan oo Bom lagu dilay

Inta la xaqiijiyay ilaa askari oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa ku dhintay kadib markii gaariay wateen lagu dhuftay bam ka dib iska horimaad ay la galeen maleeshiyaad ku sugnaa koonfurta-galbeed eegobolka Balochistan.

Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Kech ee ee gobolka qalalaasuhu ka jiraan, halkaas oo milatarigu ay tobanaan sano kula dagaallamayeen fallaago hoose.

“Argagixisadu waxay qarxisay gaari ay wateen ciidamadda ammaanka, waxaana xigtay rasaas xooggan oo la is weydaarsaday,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay milateriga.

Askarta oo iska-caabin badan sameysay ayaa da’doodu waxa ay u dhaxaysay 23 ilaa 25 jir.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Intii uu howlgalka socday, shan askari oo geesiyaal ah, si aad ah ayay u dagaalameen, naftoodana u hureen, waxayna qaateen Shahadat (shahada)”.

Askarta ayaa da’doodu waxa ay u dhaxaysay 23 ilaa 25 jir. Illaa haatan, ma jirto koox si ramsi ah u sheegatay mas’uuliyadda falkan lala xiriirinayo kooxo gacansaar la leh Al-Qaacida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com