Ciidamo ka tirsan Booliska howlgalka ATMIS oo gaaray magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Booliska howlgalka ATMIS oo  gaaray magaalada Muqdisho

Waaa Magalada Muqdisho soo gaaray Ciidamo cusub oo Boolis ah, kuwaas oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee ATMIS kana socda waddanka Nigeria oo kamid ah dalalka horay boolis ka socda u keenay Soomaaliya.

War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadaan ay qayb ka yihiin dadaallada ku aaddan Nabadda iyo Xasilloonida, iyaga oo ka qeyb qaadan doona ilaalinta goobaha muhiimka ah.

Ka hor inta aan Ciidamada la keenin magalada muqdisho waxaa munaasabad tababar ay qaateen loogu soo xirayay ay ka dhacday dalka Nigeria, iyada oo Saraakiisha Ciidamada Booliska Nigeria ay fareen inay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Nigeria ee katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ua mahad celiyay Ciidamada iyo saraakiishooda tababarka ay qaadeen loogana baahan yahay inay waajibaadkooda si waangsan u gutaan.

Ciidamada ka soda Booliska dalka Nigeria ee soo gaaray magaalada muqdisho ayaa kamid noqonaya Ciidamada Booliska ATMIS eek u sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka socda qaar kamid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com