Ciidamo gadoodsan oo shir jaraa’id ku qabtay duleedka degmada Balcad

HomeWararka

Ciidamo gadoodsan oo shir jaraa’id ku qabtay duleedka degmada Balcad

Ciidamo gadoodsan oo ku sugan duleedka degmada Balcad oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay sababaha ay u soo baneeyeen xarumahooda. Sar

Gudoomiyaha deegaanka Daarusalaam: “Mashaariic loogu talagaly deegaanka ayaa loo leexiyay degaano kale oo aan loogu talagalin”
Warka Arooryo iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir cWaaq (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay ururada Bulshada Rayidka ah

Ciidamo gadoodsan oo ku sugan duleedka degmada Balcad oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay sababaha ay u soo baneeyeen xarumahooda.

Saraakiisha ciidamadan iyo qaar kamid ah askarta gadoodsan ayaa sheegay in sababaha ugu waaweyn oo ay ugaga soo baxeen xarumahooda ay tahay markii ay waayeen mushaaraadkoodii iyo taakuleyntii kale ee ay ciidamadu ka heli jireen dowlada.

“Waxaan ahayn ciidamo dadkooda iyo dalkooda difaaca illaa iyo dowladii Cabdulaahi Yuusuf iyo wixii ka sii horeeyayba balse dowladaan mid nooga xun nama soo marin waxaan weynay mushaarkeenii iyo garaamkii askariga uu cuni lahaa.”ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha u hadashay ciidamada.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka ee tiknikada loo yaqaan ayaa waxaa ay sheegeen inay la hadlayaan oo kaliya Madaxweynaha Dowlada Federalka oo ah taliyaha guud ee ciidamada dalka.

“Kuma laabanayno illaa aan kala kulano Madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidamada si uu noogaga qanciyo cabashadeedna.”ayuu yiri mid kamid ah ciidamada ka hadashay shirka jaraa’id.

Gadoodkan ay sameeyeen ciidamada Milatariga ee gobolka Sh/dhexe ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ku kacaan waxaana laga dareemayaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe fariisimaha ay ciidamada baneeyeen.

Xaalada ammaanka deegaanada ay ciidamadan ka soo baxeen ayaa caadi ah iyadoo halkaa ay weli ku sugan yihiin ciidamo kale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: