Ciidamadda Dowladda oo howlgalo ka wadda Afgooye

HomeWararka

Ciidamadda Dowladda oo howlgalo ka wadda Afgooye

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay ilaa maanta waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka

Dhismaha Wajiga 3aad ee laamiga Burtinle oo socda (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay ilaa maanta waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kadib dil xalay ka dhacay degmadaas.

Degmada Afgooye ayaa Kooxo ku hubeysnaa bustoolado waxaa waxaa ay xalay ku dileen Cabdiwali Colaad Qanyare Gaatamow oo ahaa Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Afgooye,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgalka uga wadaan Xaafada Xaawa-Taako oo uu dilka ka dhacay,waxaana goobjoogayaal sheegeen in Ciidamadu ay qab qabteen dad u badan Dhalinyaro,kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Afgooye.

Saraakiisha Ciidamada weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalkaas,waxaana dad ku sugan Afgooye ay sheegeen in uu weli socdo,isla markaana uu saameyn ku yeeshay Goobaha Ganacsiga.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: