Ciidamadda Amaanka Nigeria oo dilay shacab diiday Bandow

HomeWararka

Ciidamadda Amaanka Nigeria oo dilay shacab diiday Bandow

Ciidamada Ammaanka dalka Nigeria ayaa u diley ilaalinta bandow lagu soo rogay magaalooyinka dalkaas tiro kabadan inta qof ee u dhimatay cudurka Covid-

Duqa Cusub ee degmadda Badhan oo la doortay
Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Ciidamada Ammaanka dalka Nigeria ayaa u diley ilaalinta bandow lagu soo rogay magaalooyinka dalkaas tiro kabadan inta qof ee u dhimatay cudurka Covid-19.

Sida ay sheegayaan hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ciidamada Nigeria ayaa diley dad gaaraya 18 ruux tan iyo markii uu bilowday bandow lagu soo rogay dalkaas 30kii bishii March ee sanadkan.

Hase yeeshee Wasaarada Caafimaadka Nigeria ayaa sheegtay in guud ahaan dalka Nigeria ay u dhinteen dad gaaray 12 ruux cudurka Coronavirus.

Wadanka Nigeria oo ay ku nool yihiin illaa labo boqol oo malyan oo ruux ayaa laga diiwaangeliyay inuu cudurka Coronovirus uu soo ritey dad gaaray 407 ruux,hase yeeshee waxaa jirta cabsi laga qabo inuu ku fido magaalooyinka ay dadku ku badan yihiin.

Koox u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay soo gaareen cabashooyin ka badan boqol kuwaasoo ka yimid 24 gobol oo ka mid ah 36ka gobol ee ka kooban yahay dalka Nigeria.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada Nigeria oo la xiriirta eedaha loo soo jeediyay.

Sidoo kale wadamo badan oo ku yaal qaarada Afrika oo bandow lagu soo rogay magaalooyinka ayaa laga soo sheegayaa tacadiyo lagula kacay dadka iyadoo loo dilayo oo kaliya inaysan ka soo bixin guryahooda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: