Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska GorGor ayaa Argagaxisadda al Shabaabka kala wareegay fariisimo cusub oo ay ku lahayeen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska GorGor ayaa Argagaxisadda al Shabaabka kala wareegay fariisimo cusub oo ay ku lahayeen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga.

Deegaanada howlgalada qorsheyshan Ciidamada ka sameeyeen waxaa ka mid ah. Labi ceebad, Bacaha, Beergadiid, Xodale, Xajiin farayar, laasaban iyo Coomaad deegaanadaas oo dhamaantood u dhaxeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.
Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee GorGor Dhamme Jamaal Cilmi Aadan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Maleeshiyaadka Al Shabaab isaga career Tuulooyinka Ciidanku Howlgalada kasameyeen.
Taliyaha ayaa intaas ku daray inay Howlgalkoodu uu yahay mid sii socon doona illaa Argagaxisadda ka saaraan meelaha ay ku dhuumaaleystaaan ee gobolka Hiiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com