Ciidamada TPLF oo guulo waaweyn sheegtay

HomeWararka

Ciidamada TPLF oo guulo waaweyn sheegtay

Ciidamada TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad militari, islamarkaana ciidamada federaalka dib u

Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Hooyo Maka Mayow oo caawinaad ka dalbanaysa shacabka Soomaaliyeed (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Lakulmay Saraakiisha Ammaanka Dalka

Ciidamada TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad militari, islamarkaana ciidamada federaalka dib uga qabsadeen magaalo, Axaddii.

Sheegashadooda ayaa imaneysaa ayada oo weli dagaalka gobolka uu socda xilli ay dowladda sheegtay Sabtidii inuu dhammaaday, kadib markii ciidamadeeda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle

Weli ma jirto jawaab ay dowladda ka bixisay sheegashadan, oo uu ku dhowaaqay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, kaasi oo farriin qoraaladeed u diray wakaaladda wararka Reuters.

Sheegashooyinka dhinacyada isku haya gobolka Tigray ayey adag tahay in la xaqiijiyo, maadaama taleefonada iyo qadka Internet-ka ee gobolka Tigray uu go’anaa ama aad u xadidnaa, tan iyo markii dowladda ay ku dhowaaqday dagaalka, 4-tii November.

Abiy ayaa habeenkii Sabtida sheegtay in ciidamada dowlkadda ay qabsadeen caasimadda Mekelle. Wuxuu sidoo kale wacad ku maray inay soo xiri doonaan oo ay cadaaladda horkeeni doonaan “dambiilayaasha” TPLF.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion ayaa Reuters u sheegay in inkasta oo ay ka baxeen magaalada Mekelle, haddana ay sii wadi doonaan inay dagaalamaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: