Hooyo Maka Mayow oo caawinaad ka dalbanaysa shacabka Soomaaliyeed (dhegayso)

Maka Mayow Xaaji Ciis , waa Hooyo haysata sideed caruur ah oo agoon ah, sadax kamid ah sideeda caruuta ah waxaa soo wajahay xanuun dhanka Qanjirada ah .

Goobo caafimaad oo kamid ah gobolada Puntland  oo loo qaaday caruurtan waxba waa looga qaban waayay , mana awodo Hooyo Maka  in ay dalka dibadiisa ay caafimaadu ugu qaado, maadaama qoyskeeda uu yahay qoys danyar ah .

Gabadha ugu wayn caruuta Hooyo mako waa 16 jir  ,waxayna kamid tahay sadaxda carurta ah ee sariirta ujiifa

hooyo Mako iyo caruurteed waxa ay ku noolyihiin mid kamid ah kaamamka barakacayaasha ee degmada Burtinle.

hooyadan ayaa shacabka Soomaaliyeed ee jooga dalka gudihiisa iyo dibadiis waxa ay ka codsanaysaa in ay soo caawiyaan ,si daryeel caafimaad loogu helo caruurtan oo mudo dhowr sanno ah ku xanun sanaa.

Dhegayso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com