Ciidamada kenya oo toogasho ku dilay 5 ruux oo dil lagu eedeyeey

HomeWararka

Ciidamada kenya oo toogasho ku dilay 5 ruux oo dil lagu eedeyeey

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya ay toogteen Shan ruux oo lagu eedeeyay inay dil geysteen, xi

Maamulka gobolka Nugaal iyo Ganacsatada oo maanta ka shiray socodsiinta lacagta (daawo)
Ciidamadda Jubbaland oo dib habayn lagu samaynayo
Guddiga doorashooyinka Qaran oo Boosaaso kula kulmay Haweenka gobalka Bari (dhegayso)

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya ay toogteen Shan ruux oo lagu eedeeyay inay dil geysteen, xili ay doonayeen inay baxsadaan.

Dadka ay ciidamada Kenya togteen ayaa ku sugnaa Magaalada Mombasa, waxaana laamaha amniga ay sheegeen in xogo ay ka heleen Shacabka u qaadeen howlgalka lagu dilay 5 ruux ee lagu eedeyay dilka.

Taliyaha Booliiska Nyali Daniel Mumasaba ayaa sheegay in howlgalkan uu dhacay Maanta oo sabti ah, isla markaana ragga la toogtay ay ahaayeen kooxo burcad ah oo dadka Magaalada Mombasa ay cabasho ka muujinayeen.

War-saxaafadeed kasoo baxay Laamaha ammaanka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay uu socday howlgalka ka dhanka ah Burcadda ayna sii socon doonaan ilaa laga sifeeynayo Magaalada Mombasa iyo degaannada ku dhow dhow.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: