Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeyey inuu diidanyahay doorasho dalka ka dhacda

Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa ku eedeeyay Madaxweynahan muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu hor istaagay wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho

Qoraal dheer oo uu ku qoray bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in farmaajo uu doonayo I Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame.

Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin.

Laakiin wuxuu rabaa in uu is qarxis siyaasadeed sameeyo, inta la jaalka ahna labo far u taago, I taageera oo isla kay qarxiya ama i diida oo Dowlad Goboleedyada iga soo horjeeda, Aqalka sare, mucaaradka iyo ajnabiga raaca oo na kala wada.

Maanta imtixaanka ugu adag waxaa wajahaya Farmaajo saaxiibbadiis oo ay hortaallo kala doorasho ah in in ay Farmaajo isla miidaamiyaan, ama ay gacanta qabtaan oo isaga, iyaga iyo dalkaba badbaadiyaan oo ay doorasho loo dhanyahay oo si nabad ah ku dhacda ogolaysiiyaan.

Waxaa mahadsan mudanayaasha ka tirsan Gola Shacabka ee sii caddeeyay mowqifkooda iyo inta diidan damaca Farmaajo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com