HomeUncategorized

Ciidamada Israa’iil oo sanadkaan xiray carruurtii ugu badnayd ee reer Falastiin.

Qudus, Aug 17 2016--Gudiga arrimaha maxaabiista ee reer Falastiin ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Yuhuuda ee kujooga Bariga Daarusalaam ee Al-qudus ay xabsiga dhigeen in kabadan 560 carruur ah oo u dhalatay Fastiin sanadkaan 2016.

DHEGEYSO-Qaar kamid ah ganacsatada gaadiidka Boosaaso oo cabanaya.
Duqa degmada Bandarbeyla oo soo dhaweeyey qorshaha horumarinta degmooyinka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti.
Amniga Magaalada Brussels oo Aad loo Adkeeyay

Qudus, Aug 17 2016–Gudiga arrimaha maxaabiista ee reer Falastiin ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Yuhuuda ee kujooga Bariga Daarusalaam ee Al-qudus ay xabsiga dhigeen in kabadan 560 carruur ah oo u dhalatay Fastiin sanadkaan 2016.

Issa Qoraqe, oo ah madaxa gudiga arrimaha maxaabiista ee reer Falastiin ayaa waxa uu sheegay in xogtaan inteeda badan ay cadeeyeen waalidiinta dhalay carruurta aan qaangaarin ee la xirey oo kunool Kaamamka Bariga Qudus.

Qoraqe, ayaa sheegay in carruurta ay Yuhuudu xidhay da’doodu kahoosayso 12 sano, taasi oo xad gudub ku ah xuquuqda caalamiga ah iyo arrimaha xuquuqul Insaanka.

Ugu dambayntiina sarkaalkaani ayaa sheegay in 110 kamid ah carruurtaasi ay Israa’iil weli gacanta kuhayso, halka 60 kamid ahna lagu hayo xabsi guri kadib markii laga siidaayey xabsigii lagu hayey.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: