HomeUncategorized

Amniga Magaalada Brussels oo Aad loo Adkeeyay

Somalia, November 23, 2015-(Daljir)- Ciidamada ammaanka ee wadanka Belgium-ka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalooyinka Brussels iyo Charleroi, waxa ay ku qabteen 16 ruux oo ay uga shaki qabaan inay maleegayeen falal ammaan xumo, xilli magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi mudooyinkaan bandow xoogan lageliyey.

Madaxweynaha Puntland oo Furay Kalfadhigii 36-aad ee Barlamaanka Puntland
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi.
Dayax-madoobaad xalay siweyn looga dareemay waddamo badan oo adduunka ah Soomaaliyana ay ka mid tahay.

Somalia, November 23, 2015-(Daljir)- Ciidamada ammaanka ee wadanka Belgium-ka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalooyinka Brussels iyo Charleroi, waxa ay ku qabteen 16 ruux oo ay uga shaki qabaan inay maleegayeen falal ammaan xumo, xilli magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi mudooyinkaan bandow xoogan lageliyey.

Mudadii howl-galadaan dadka lagu soo qaqabtay ay socdeen waxaa saraakiisha Belgium-ku sheegeen inaysan soo qaban wax hub ama walxaha qaraxa ah, sidoo kale waxa ay sheegeen inaysan weli helin Salax Cabdilsalam oo lasheegay inuu ka dambeeyey weerarkii ay dadka badan kudhinteen ee kadhacay Paris.

Charles Michel ra’iisul wasaaraha wadanka Belgium-ka, ayaa xaqiijiyey in heerka feejignaanta ee magaalada Brussels uu sii ahaan doono mid aad u sarreeya, ayadoo sababtuna tahay khatar aan la dhayalsan karin oo sii socota oo muujinaysa inay dhici karaan tiro weerarro ah oo ay kooxo islaamiyiin ah qaadaan, kuwaasoo daba socda weerarradii Paris.

Ra’iisul wasaaraha dalka Belgiumku wuxuu intaasi ku daray in iskuullada iyo tareennada dhulka hoos mara ee Brussels ay xirnaan doonaan maanta oo Isniin ah, waxaana ciidamada ammaanka ee dalkaasi, gaar ahaan kuwa kusugan magaalada Caasimadda ah lageliyey heegankii ugu sareeyey ee ammaanka la xiriira.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: