Al-shabaab oo Dishay hogaamiye kooxdooda ka tirsanaa

Somalia, November 23, 2015-(Daljir)- Warar ay warbaahintu xalay kaheshay gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan ururka Alshabaab ay weerar gaadmo ah ku dileen Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi, oo kusugnaa deegaanka Guduudey, horayna uga mid ahaan jirey saraakiisha ururka Al-qaacida taageera ee Alshabaab.

Sheekhaani oo ay dadka deegaanku sheegeen in weerarkaasi lagu khaarajiyey ayaa waxaa lasheegay inuu ka mabda’a duwanaadey hogaamiyayaasha kooxdaasi, kadib markii uu sheegay inuu taageersan yahay urruka dhowaan soo ifbaxay ee Daacish uuna dhowaanahaan bilaabay inuu urursado ciidan iyo hub.

Ninkaan lasheegay in lagu khaarajiyey weerarka qorshaysan ayaa waxa uu horay Alshabaab ugu soo noqday gudoomiye kuxigeenka gobolka Jubbada dhexe, wuxuuna sidoo kale kazoo shaqeeyey magaalada Kismaayo sida ay warbaahintu manta baahisey, wuxuuna hogaaminayey koox soodhoweysey ku biirista Daacish.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com