Ciidamada Dowladda iyo Koox Hubaysan ayaa Xalay Dagaal Ku dhexmaray Magaalada Muqdisho

Ciidamada Dowladda iyo Koox Hubaysan ayaa Xalay Dagaal Ku dhexmaray Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo israsaaseyn dhaxmartay ciidamada dowladda iyo koox hubaysan oo xalay xilli dambe ku dagaalamay agagaarka bar kontorool oo ay Ciidamadu ku hubiyaan Gaadiidka oo ku taal agagaarka Masjidka loo yaqaan Turkiga.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii koox hubaysan ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ay ciidamadu ku sugnaayeen, waxaana halkaas ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay israsaaseynta ayaa waxaa ku geeriyooday hal Qof, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Ma jirto wax war oo rasmi ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku aaddan weerarka lagu qaaday fariisimaha ciidamada dowaldda ay ku leeyihiin Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com