Ciidamada dowladda iyo Al-shabab oo ku dagaalamay deegaanka Bacaadweyne

HomeWararka

Ciidamada dowladda iyo Al-shabab oo ku dagaalamay deegaanka Bacaadweyne

Deegaanka Bacaadweyne meel ujirta 5kmtr ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowllada oo garab ka helaya dadka shacabka iyo kooxda Al-shab

Xulashada Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir cWaaq (dhegayso)
MAANHADAL: Muda xileedka Madaxweyne Farmaajo & Doorasho wakhtigeeda ku dhacda (dhegayso)

Deegaanka Bacaadweyne meel ujirta 5kmtr ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowllada oo garab ka helaya dadka shacabka iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday Argagixisada Al-shabaab, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Guuddoomiyaha deegaanka Bacaadweyne ee Galmudug Axmed Daahir ayaa sheegay in dagaalkan ay dhankooda kaga dhinteen ilaa 8 qof, halka 13 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen

Dhinaca Al-shabaab ayuu sheegay guddoomiyaha in ay khasaare xoogan gaarsiiyeen.

Wasaarada amniga maamul goboleedka Galmudug ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay kusheegtay in ciidamada dowladda oo garab ka helayay dadka deeganka ay A-shabaab dagaalka kaga adkaadeen dibna loogu celiyay meelihii ay ka soo duuleen.

Ma ah markii ugu horaysay oo ay Al-shabaab dagaal kusoo qaadaan deeganka Bacaadweyne.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: