MAANHADAL: Muda xileedka Madaxweyne Farmaajo & Doorasho wakhtigeeda ku dhacda (dhegayso)

Muddo xileedkii xafiiska loo dhaariyay madaxwaynaha xilka haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa ka harsan muddo hal bil ah, iyadoo baarlamaanka Soomaaliya iyaguna ay shaqadoodii ku ekayd bishii December ee dhamaatay, ilaa iyo haddana ma hirgalin qodobadii hore loogu heshiiyay shirkii Dhuusomareeb, magaalada Muqdisho ee madaxda xilka haysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee doorashada madaxwaynaha in la qabto waqtigeedii oo ah 8 February.

Haddaba haddii bisha February la gaaro iyadoona aan wadanka doorasho u diyaarsanayn, maxaa la filan karaa?
Yaase iska leh masuuliyadda dib u dhac ku yimaada doorashooyinka ma madaxwaynaha dowladda dhexe mise madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda faderaalka?

Haddii isqabad yimaado yay tahay cidda ay tahay inay garwadeen u noqoto musharixiinta iyo madaxda xilka haysa?

Barnaamijka Marti kala duwan ayaa ka qayb galaysa,waxaana Xarunta Daljir ee Bosaaso ka soo jeedinaya wariye Maxamuud Cabdi Ibraahim.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com