Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub

Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa is rasaaseyn ku dhexmratay Ciidamada Booliska dalkaas iyo kooxo hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen Burcad dadka dhac u geysanayay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday waddada wayn ee Mombasa Road, waxaana ciidamada Booliska ay ku guuleysteen inay toogtaan Saddex kamid ah raggi hubeysnaa.

Saraakiisha Waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa qoraal ku sheegtay in saraakiishu ay ka falcelinayeen xog ay ka heleen Shacabka ee ahaa in raga la toogtay ay dhac geysanayeen.

Ciidamada ayaa la kulmay tuhmanayaasha xilli ay dhac gaysanayeen.

Saraakiisha Waaxda DCI-da ayaa intaasi ku daray in askarta ay eedeysanayaasha ka dalbadeen inay isa soo dhiibaan balse kooxda ay ciidamada ammaanka rasaas ku fureen taasoo keentay inay ka jawaabaan.

Goobta howlgalka laga fuliyay ayay ciidamadu ka soo heleen agab ay ka mid yihiin bastoolad, taleefoonno dhan toddobo iyo kombiyuutar.

Wararkii ugu dameeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Meydadka saddexda qof ee ay ciidamadu toogteen la geeyay goobta meydadka la dhigo ee city mortuary ee magaalada Nairobi si loo aqoonsado, waxaana jira rag kale oo Boolisku ay ku raad joogaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com