Carruur ku geeriyootay fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle

HomeWararka

Carruur ku geeriyootay fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle

Wabiga Shabeelle ayaa markale waxaa uu fatahaad horleh ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ka dhashay k

Maxay ka wada hadleen Qoor Qoor iyo Deni? (Akhriso)
Saraakisha Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay qarixi maanta (dhegayso)
Warka Duhurnimo iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Wabiga Shabeelle ayaa markale waxaa uu fatahaad horleh ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ka dhashay khasaaro naf iyo maal leh.

Xaafadaha uu Wabiga ka fatahay degmada Afgooye & tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa kamid ah, xaafadaha Baalguri, Raqayle, siigaale, Damaleey iyo tuulooyinka Shukurow, Dhajaleey, Balbaleey iyo tuulooyin kale.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Nuur Gaabow ayaa sheegay in sidoo kale wabiga uu ka fatahay tuulooyinka, Mareereey, Mooradiile, Raqayle,Baladul-Amiin iyo Sabiid & Caanoole.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka degmada Afgooye waxaa uu sheegay in fatahaada Wabiga uu laba Carruur ah ku dilay Xaafada Baalguri,sidoo kale ay barakaceen dad farabadan oo ku noolaa Xaafadaha degmada Afgooye.

Wabiga Shabeelle ayaa sanad kasta waxaa uu fatahaad ka sameeyaa meelo badan oo dalka ah oo ay Afgooye kamid tahay,waxaana ilaa iyo hadda jirin dadaalo ay sameeyeen Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu xakameynayo fatahaada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: