Caleemo saarka M/weyne Axmed Madoobe oo loo weelqaaday iyowafuud horleh oo la sugayo (dhegayso)

HomeWararka

Caleemo saarka M/weyne Axmed Madoobe oo loo weelqaaday iyowafuud horleh oo la sugayo (dhegayso)

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, waxaa ka socota qabanqaabada iyo u diyaar garawga xafladda caleemosaar madaxweynaha dhawaa

Doorashada Afgaanistaan oo loo dareeray iyo Daalibaan oo ku hanjabtay in ay weeraro qaadi doonto
Madaxweyne Axmed Madoobe oo wakhti loogu diray mudadu ku soo dhisi lahaa Golaha wasiirada
Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM oo la wareegay degaano dhawr ah

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, waxaa ka socota qabanqaabada iyo u diyaar garawga xafladda caleemosaar madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)

Xafladda ayaa sida qoondaysan bilaabanaysa saacada soo socda, iyadoo oo uu saaka imaanayo wafti horleh oo socda dawladda Kenya oo uu hoggaaminayo xildhibaanka ugu codka badan Baarlamaanka Kenya ee Aadan Barre Ducaale sida ay Radio Daljir u xaqiijiyeen masuuliyiin madaxtooyada Jubbaland ah.

Sidoo kale madaxtooyadu waxay noo xaqiijisay xafladda caleemasaarku in ay bilaaban doonto marka wafuuddaasi ka imaanaysa dalka Kenya ay soo gaaraan Kismaayo, kuwaasi oo qayb ka noqonaya ka qaybgalka xafladda.

Xafladda caleemosaarka M/weyne Axmed Madoobe oo ah middii ugu ballaarnayd oo noocda ah oo ka dhacda Kismaayo,waxaana dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey Kismaayo gaaray wafuud aad u tiro badan oo ka kala yimid dalka iyo dibeddiisa.

Inkasta oo dawladda dhexe ee federaalku ay ku gacansayrtay sharci ahaanshaha xafladda iyo masuulka lagu cimaamadayo, haddana waxay kulmisay, ka qaybgalka xafladdana u yimid, siyaasiyiin horay madaxweynayaal soo noqday dawladda dhexe ee federaal iyo dawladdaha xubnaha ka ah, madaxweynaha Puntland ee hadda, xildhibaano golayaasha baarlamaan ee dawladda dhexe ah, siyaasiyiin magac dheer oo ay ku jiraan kuwo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya, ururo bulsho iyo aqoonyahanno meelo kala duwan oo dalka iyo dalka iyo dibeddaba ah ka yimid.

Isku imaatinka hoggaamiyayaashaan siyaasadeed ee iskugu tagay Kismaayo, kuma koobna oo kaliya ka qaybgalka caleemasaar, hase ahaatee waxaa jira kulamo wadatashi oo dhaxdooda ah, kana aaddan ka aayo-talinta marxaladda kala guurka ah ee dalku uu wajahayo, siiba doorashada 2021-da ee soo aaddan iyo u tabaabushaysigeeda.

Agaasimaha wasaarad cadaalada iyo arimaha Diinta ee maamulka Jubaland Cabdilaahi Maxamuud Ibraahin ayaa Daljir uga waramay qaabka ay qaban qaabada u socoto.


Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: