Aadan Barre Ducaale oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay

Aadan Barre Ducaale oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay

Wararka ay idaacada Daljir ay ka helayso magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ayaa sheegaya in goor dhawayd kismaayo ay ka dagtay diyaaradii siday wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale

wafdigan ayaa garoonka waxaa k ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku yimid diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

dhinaca kale waxaa magaalada kismaayo soo gaaray wafdi odayaal dhaqameed ah oo ka kala yimid deegaanada ay Soomaalidu degto.

majirto wax war ah oo ilaa iyo haatan ka soo baxay dhanka dowladda oo ku aadan wafdiga ka yimid magaalada Nayroobe ee caasimada dalka Kenya.
Diiwaanka warka.
Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mumin 4 years ago

    Aadan bare waxan kugu ducay naya inuu ilaahay adoon nimada kenya kasaaro.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com