CADAANI AFHAYEENKA ONLF OO BOOQDAY GABAGABO & QOYSKII AY KA GEERIYOOTAY MUMTAAS CAABBI JEEX

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

CADAANI AFHAYEENKA ONLF OO BOOQDAY GABAGABO & QOYSKII AY KA GEERIYOOTAY MUMTAAS CAABBI JEEX

Afhayeenka Jabhadda ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa shalay booqasho tacsi ah ugu tegey qoyska dhalay gabar yar oo afar sano jirtey taas

LAAN-WILIF, DHAGAX-JAB, DHAQAYABOOR| tuloyinkaan isku dhow dhow ee hoos taga Degmada Galaadi
Shiniile Gobolka Sitti ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (Sawirro)
Santarka Gole ee degmada Dannood oo kamid ah meelaha abaar darani saamaysay

Afhayeenka Jabhadda ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa shalay booqasho tacsi ah ugu tegey qoyska dhalay gabar yar oo afar sano jirtey taas oo ku dhimatay meel god ah oo ay ku go’doonsanayd mudDo lix maalmood ah.

Mumtaas Cabdi Jeex waxay ahayd afar jir ay dhaleen qoys beeraley ah oo deggan tuulada Gabagabo oo 41 KM dhanka galbeed ka xigta degmada Tuli Guuleed ee gobolka Faafan, wax ayna ku dhacday meel gebi ah oo ay 6 maalmood ku jirtey, ka soo bixi weyday, deedna halkaas ay ku dhimatay markii ay waydey wax gurmad ah oo uga yimaada maamulka tuulada, kan degmada iyo ka gobolka oo dhammaan loogu qaylo geeyey.

Arrintan ayaa aad u soo jiidatey indhaha bulshada deegaanka waxaana shacabku cambaarayn u jeediyeen dowladda oo aan wax gurmad ah u fidin gabadhan yar muddadii ay ku xayirnayd godka ku dumey, dabadeedna ayna maamulku aadeen markii ay geeriyootey lix maalmood oo go’doon ah kaddib.

Inkastoo Madaxweynaha Dowladda Deegaanka uu ka garaabay gaabiska maamulka deegaanka ee ku aadanaa gurmadka gabadhan yar haddana dadka deegaanka ayaan ku qancin arintaasi iyadoo loogu baaqay maamulka in ay la xisaabtamaan masuuliyiinta ka warhayey gabadhan yar ee aan wax gurmad ah loo fidin iyadoo muddo 3 habeen ah ku qaylinaysey “hooyoy godka iga saara.”

“Arrintan murugada leh waa mid meel walba oo Soomaali joogto qalbigooda saamaysay, qof walba oo masuul ah wuxuu xil ka saaranyahay in qoyskan dhibaatadu gaartey la soo caawiyo,” ayuu yiri Afhayeenka Jabhada ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani).

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Somaalida Mustafe Cagjar ayaa hore u ballanqaaday in sharciga la horgeyn doono maamulka gobolka Faafan iyo kan degmada Tuli Guuleed oo aan wax talaabo ah qaadin iyaga oo la soo gaarsiiyey xogta gabadhaas yar.

 

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: