Cabdiraxmaan Farooel madaxweynihii hore ee Puntland oo ka hadlay doorashada Soomaaliya iyo mowqifka Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta warbaahinta kula hadlay aqalka uu ka deganyahay magaalada Garoowe ayaa kasoo horjeestey go’aankii shalay laga gaarey hanaanka doorasho ee sanadkaan 2016.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay go’aankaasi ka dambeeyeen, wuxuuna xusay in 4.5 looga soo guurey heshiisyadii Garoowe hal iyo labo iyo kii Galkacyo, ayna noqon doonto kutumasho dastuur in wadanku kulaabto.

Dhanka kalena madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa soodhoweeyey go’aankii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo ku qaatay heshiiskaasi kadib markii uu ka qabtay shir jaraa’id oo uu ku diidanaa qaadashada hanaanka 4.5 oo maanta wasiiradu meelmariyeen.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com