Cabdi Xaashi: ”Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan rabnaa cadaalad.”

Cabdi Xaashi: ”Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan rabnaa cadaalad.”

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho waxana uu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble inuusan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka siyaasiyinta gobolada Waqooyi.

Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa munaasabadan waxa uu ugaga hadlay arrimo kala duwan ee ah siyaasadda dalka,gaar ahaan khilaafka u dhexeeya labada garab ee siyaasiyiinta gobolada waqooyi ay u kala qeybsameen.

“Ra’iisul Wasaaruhu Afartii xubnood ee aan magacaabay intuu u yeeray ayuu ku yiri doorashooyinka anigaa ka masuul ah, waa inaad doorasho gashaan haddii aad is dooran waydaanna waan idinka saarayaa, hadda isagu ma magacaabin ee ogaada. Waa hanjabaad waana arrin aan sina loo qaadan karin”.ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay inuu ka doonayo caddaalad uuna ka cabsi qabo in ra’iisul wasaaraha uu dhinac la safanayo.

“Ra’iisul Wasaarahu haduu u dhinac raaco sideen u garowsan karaa Ra’iisul Wasaaraha cadaalad sameynaya, ma u arki karo, Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan rabnaa cadaalad.”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddiga doorashada gobollada waqooyi ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda kalana uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Guddigan ayaa lagu wadaa inay doortan shir guddoon kadib markii dhawaan uu ra’iisul wasaare Roobel baabi’iyay guddoonkii hore.

Hase yeeshee garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa diidan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo maalinta sabtida ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com